Qiso jacayl

QAYBTII 1AAD
AMINTII NASIIBKU NAAFEEYAY!

Amin waa gabar reer burco ah, oo aan aniga qoraa ahaan mudo aad u kooban aan is garaneyno, balse markii ay qisadan iiga sheekeysay, waxaan uga danqaday sidii qof aan waqti dheer aqaanoo kale, amaba qof ixiga.

Amin runtii waa gabar daacadnimadeeda lagu imtixaamay, kalsoonideedana si aan uqalmin looga bur buriyay, nolosheedana ay inta badan murugo iyo ciil lasoo qaadatay, laakin sheyga kaliya ay tacbatay uu yahay samir, kaasoo dhab ahaantii, in mudo aad u fog la weheshadaana ay tahay, wax aan macquul aheyn, balse amin ay ilaa heerkaa, ad adeyg iyo geesinimo kusoo waajahday.

Amin inta yar ee aan la sheekeystay waxaan ka aqristay, inay tahay qof dulqaad badan, aadna u dabci wanaagsan, qof fir fircoon oo fur furan misana nolsha hami fog kalehna ay aheyd, ka hor inta aanay nasiib xumadan haleelin, waana qof sanado dhowr ah ku noolaa hal qol oo kaliya, maadaama ay nolosha ka rajo beeshay, ehel iyo asxaabna ay waqti horaba ka go’day, isla markaana aan heysan dad badan oo af garta, maadaama ay keligeed qurbo ku nooshahay, haba ahaatee waxaa intaa usii dheer, in halkaa qol xitaa aanay ku heysan hurdo iyo harsi toona, ayna tahay qof xusuusaha xun ee ay soo martay ay udiideen, inay hesho naasiinadii ay xaqa ulaheyd.

Amin maanta waxay ku nooshahay nolol aysan uqalmin, in xitaa daqiiqad ay kusii negaato, iyo murugo loo baahnaa kuwii baday inay ku waa bariisato, balse may dhicin, oo ayadaa intaasoo dhan uu ilaahey imtixaan uga dhigay, si iimaankeeda loo adkeeyo, waana hubaa inuu alle ka saari doono marxaladan xun, waayo waa qof mu’min ah oo wanaagsan, ilaaheyna qofka muslimka ahi ma bado dhibaato, haduu badana kaliya wuu ku imtixaamaa, qofka uu alle imtixaamana waa qof alle uu wanaaga iyo kheyrka la jecel yahay, kumana sii waariyo imtixaanka, oo faraj buu ufuraa maalinkey ahaataba, aminna sidaa ayaan alle uga rajeynayaa, iyo inuu dembi dhaaf uga dhigo, imtixaankii adkaa ee ay nolosha kasoo martay, insha allaah.Markan bilowga qisadii xanuunka badneyd ee amin ayaanu sii guda galeynaa, aniga ka qoraa ahaanna, waa qisadii igu xanuunka badneyd ee aan abid maqlo, isla markaana aan wax ka qoro, waan jeclaan lahaa in amin ay ila joogto, si saameynta qisada ay intan uga sii badato, balse waxaan isku deyi doonaa inaan usoo ururiyo dhamaan xogaha ku saabsan qisadan, xaraf xaraf insha allaah.

14 sano ka hor sanadkii 2007 amin axmed yuusuf waxay aheyd qof aad ufaraxsan, lana nool qoyskeeda oo markaa burco deganaa, inkastoo qoysku uu ahaa mid isku dhafan, yacni waa qoys ilmo adeerra ah oo meel ku wada nool.

Amin waxay wax ka baran jirtay, dugsi lagu magaacbo togdheer, oo ku yiilay magaalada burco, ee gobolka togdheer, dabcan xilligaa waxay aheyd qof leh asxaab badan, farxad in ku filanna heysta, wax dhibaata ahna aan ku qabin nolosha.

Amin waxay sidaa ahaataba, waxaa si hoose ujeclaaday wiil ina adeerkeed ahaa, oo lagu magacaabi jiray axmed, isla guriga ay amin deganeydna, ay kusoo wada koreen, axmed wuxuu ahaa wiil ka shaqeyn jiray magaalada berbera, halkaasoo uu ku maqnaan jiray in mudo ah, balse waxaa haleelay jaceylkii amin, oo aheyd ina adeertii, laakin amin wax jaceyla uma aysan qabin asaga, waxeyna u heystay in uu walaalkeed yahay, ixtiraam iyo qadarin walaalnimo ayeyna umuujin jirtay.

Axmed wax badan buu jaceylkiisa qarinayay, isla markaana isku koobayay, balse maalin ayaa waxaa dhacday, axmed oo shaqadiisii usii socda, ayaa gaari uu saarnaa la qalimbay, isla markaana waxa uu ka jabay, mid ka mida addimihiisa.

Axmed dhaqtar ayaa loo qaaday, dhamaan familkiisii oo ay aminna qeyb ka aheyd ayaana kusoo booqday hospitalkii uu jiifay, is xog wareysi ka dib, axmed waxa uu diiday dhamaan reerkiisii in ay la joogaan, marka laga reebo amin oo kaliya, taasoo muujineysa inuu aad ugu kalsoonaa, misana uu xiiseyn jiray inuu waqti walbaa weheshado.

Reerkii ayagoo la yaaban, in wiilkoodii amin oo kaliya codsaday inay la joogto, ayaa dhaqtarkii isaga soo hayaamay, ayagoo axmedna u rajeeyey, caafimaad sareeca ah, intaa ka dib waxaa isku soo haray, axmed iyo amin oo kaliya.

Tolow miyuu axmed jaceylkiisii ubandhigan doonaa amin maadaama ay labadooda un isla joogaan fursadna uu ku heysto? Mise si kale ayey wax udhici doonaan?

LA SOCO QEYBTA XIGTA
✅ halkan kala soco👇👇

Design a site like this with WordPress.com
Get started